Somaliland The Gateway to Art and Culture in Africa - (جمهورية صوماليلاند (أرض الصومال - Somaliland the Shining Sun of the Horn of Africa has operated as an Independent state for the last 21 years and has met international legal standards for “statehood”. What Somaliland lacks is formal recognition of its statehood and support possibly from Friendly States who believe in the spirit of progress for Africa.

Royal Proclamation of Queen Elizabeth II 25th June 1960:

A Royal proclamation of Queen Elizabeth II granted independence to the British Somaliland Protectorate at midnight 25th June, 1960 – and State of Somaliland came into being on 26June.

Oct 20, 2012

Wejiga 1-aad Ee Baadhitaanka Xasuuqii Taliskii Siyaad Barre Oo La Soo Gabogabeeyay Iyo Khubaradda Oo Soo Bandhigay Wixii Ay Heleen (Sawiro)



Hargeysa: Wejiga 1-aad Ee Baadhitaanka Xasuuqii Taliskii Siyaad Barre Oo La Soo Gabogabeeyay Iyo Khubaradda Oo Soo Bandhigay Wixii Ay Heleen (Sawiro).

Hargeysa (Ramaas) Okt.18, 2012 – Khuburadda caalamiga ah ee mudooyinkii u dambeeyay baadhitaanka ku samaynayey xabaallo Wadareedyada ay ku aasan yihiin dadkii shacabka ahaa ee ay Magaaladda Hargeysa ku xasuuqeen Ciidamadda Taliskii Siyaad Barre, ayaa maanta soo gabogabeeyay wejigii koowaad ee baadhitaankaasi oo muddo socday, iyagga oo soo bandhigay wixii cadaymo ah ee ay u heleen xasuuqaasi.
Khuburadan oo baadhayey xabaal-wadareedyada ku yaala Malko Durduro iyo deegaanka Badhka ee Koonfurta Galbeed ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxay soo bandhigeen Qalfoofka 38 ruux oo xabaal kaliya ku wada aasnaa, kuwaasi oo ay sheegeen inay baadhitaan dheer ku sameeyeen si ay u xaqiijiyaan nooca dilkooda, iyagga oo tilmaamay inay xaqqiiqsadeen in dadkan la xasuuqay, isla-markaana si raabbo-raabbo ah xabad loogu laayey.

Khuburadan caalamiga ah oo ka socda Hay’adda baadhitaanka xasuuqyada caalamka ka dhaca ee loo yaqaano EPAF, ayaa sidoo kal e baadhitaan ku sameeyay dharkii ay dadkaasi la xasuuqay xidhnaayeen wakhtigii la laynayey, waxayna bandhigooda tusaale ugu soo qaateen hal qof oo 25 xabadood lagaga dhuftay inta u dhaxaysa lugaha iyo ilaa caloosha, taasi oo tusaale u noqonaysa sida dadkaasi loo xasuuqay.

Mid ka mid ah Qalfoofka ay khuburadu baadheen
Khuburadan ayaa qalfoofka ay ka soo saareen xabaallaha qof walba isku habeeyay xubnihiisa, si loo garan karo ehelkiisa, iyadda Franco Mora oo ka mid ah khuburada baadhayey xabaallo-wadareedyada oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay baadhitaankooda iyo dadka lafahooda soo saareen “Halkan waxaad ku aragta qalfoofkii dadkii la laayey,  waanad aragta qof waliba inaanu isku gaynay lafihiisii oo dhan, taas oo la garan karo qof waliba dhererkiisa, baadhitaan badan oo aanu samaynay, waxaanu ku ogaanay qaabka naxariis daradda ahayd ee dadkan loo laayey”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu soo ururinay qofkasta xubnihii lafahiisa oo aanu isku keenay si loo aqoonsado qof kasta oo dhintay  eheladoodii”

Gudoomiyaha guddida baadhitaanka Xasuuqa ee Somaliland Mr Khadar Like, oo isaguna bandhigan oo ka dhacay Magaaladda Hargeysa ka hadlay ayaa yidhi “Xabaashan (Xabaal-wadareedka Maydadka laga soo saaray)  waxa laga soo helay 38 qof, waxayna  cadeeyeen sidii loo dilay inay ahayd xasuuq, si naxariis daro ahna rasaas loogu furay loona wada aasay”

Muuqaalka Dharkii uu xidhnaa Marxuum Xasuuqa Ku Jiray oo Muujinaya Tiradda Rasaasta Lagu dhuftay iyo halka ay Kaga dhacday
Baadhitaanka lagu sameeyay lafahan la soo saaray ayaa waxa baadhitaankooda qayb ka ahaa arday cadaan ah oo wax ka barta Jaamacadaha dalka Maraykanka iyo ardayda jaamacada Hargeysa qaarkood, kuwaasi wax ku baranayey lafahan.


Ramaasnews Desk
Hargeisa.